Muran cusub oo ka dhashay xiliga loo qabtay fadhiga loogu codeynayo Mooshinka Jawaari (Akhriso)

Khilaaf ayaa ka dhashay qoraal maanta ka soo baxay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Muudey oo lagu mudeeyay xiliga laga doodayo mooshinka guddoomiyaha golaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Muudey ayaa sheegay in kulanka 3aad, kalfadhiga 3aad ee golaha shacabka la qaban doono 31-da Maarso 2018 kaasoo uu sheegay in ajendihiisu yahay ka doodida iyo cod u qaadida mooshinka Jawaari.

Hase ahaatee Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Somalia Mahad Cabdala Cawad oo ka mid ah xubbnaha taageersan Jawaari ayaa ka soo horjeestay mudeynta xiliga laga doodayo mooshinka, iyagoo  sheegay in xiliga uu qabtay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka aaney ka tarjumeyn waqtiga saxda ah ee ay tahay in golaha la horgeeyo mooshinka.

Qoraal uu soo saaray Mahad Cawad ayuu ku dooday in muddeynta aan lagala tashan guddoonka sare ee golaha shacabka, kana hor imaaneyso soo soo-jeedinta aqalka sare ee aheyd laga soo bilaabo 18-ka bishan Maarso .

Muranka cusub ee labada dhinac ayaa u muuqda mid abuuraya xiisad hor leh oo sii murjineysa xaaladii cakirneyd ee horeyba uga jirtay Baarlamanka taasoo ka dhalatay mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Mahad Cawad:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -