Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Sayidka (Daawo Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaafino dheeraad ah oo ku saabsan qarax gaari loo adeegsaday oo Galabta ka dhacay agagaarka taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda oo kontrol gaadiidka lagu baaro ku leh taalada sayidka ayaa la sheegay iney markii hore joojiyeen gaarigan balse waxaa la sheegay in qofkii waday uu markiiba  qarxiyay.

Warar hordhac ayaa waxay sheegayaan in ilaa 5 Ruux ay qaraxaasi ku geeriyoodeen, sidoo kalena in ka badan ay ku dhaawacmeen, sida ay ku warameen saraakiisha amaanka iyo howlwadeenada gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasta.

haraaga gaariga qarxay oo gubtay iyo gaadiid kale oo goobta marayey ayaa ka muuqda nawaaxiga taalada sayidka, waxaana ka mid ah gaadiidkan mooto bajaajyo xiligaas wadada marayey oo qaraxu uu asiibay.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay kuwaasoo la filayo iney Warbaahinta faahfaahin qaraxaas.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii qarax sidan oo kale gaari loo adeegsaday uu ka dhacay ka soo horjeedka hotelka Weheliye oo aan wax badan ka fogeyn goobta uu maanta qaraxu ka dhacay ee taalada sayidka.

Sidoo kale todobaadyo ka hor qaraxyo gaadiid loo adeegsaday iyo weerar toos ah ayaa ka dhacay agagaarka taalada sayidka ka dib markii gaari miineysan uu xoog ku jiiray control lagu baaro gaadiidka oo halkaas u yaalla ciidanka ilaalada Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -