Nin Dilay arday Muslimiin ah oo lagu riday xukun adag (Daawo Sawirro)

Maxkamad kutaala dalka Mareykanka ayaa xukun dil ah ku riday Craig Hicks oo lagu helay dambi ah in uu si ula kac ah u toogtay sadex arday oo Muslimiin ah oo wax ka baranayay jaamacad dalkaasi kutaala.

Ninkan ayaa toogasho ku dilay sanadkii 2015-kii  Deah Baraka oo 23 jir ahaa iyo xaaskiisa Yusor Mohammad oo 21 jir ahayd, waxa uu sidoo kale ninkan dilay Razan Mohammad oo la dhalatay Yusor.

Maxkamada ayuu ninkan ka hor qirtay in uu galay sadex dambi oo heerka koobaad ah, waxa ay sidoo kale maxkamada ninkan ku weysay dambi kale oo la xariiray jinsi iyo islaam naceyb.

Booliiska ayaa horey u sheegay in dilkaasi uu ka dhashay muran ka billawday meel gawaarida la dhigto oo gurigooda ku hortaalla taariikhdu markay ahayd bishii Feebaraayo ee sannadkii 2015.

Ninkan xukunka lagu riday ayaa sadexda ruux uu dilay waxa ay ahaayeen arday wax ka barata Jaamacad kutaala Mareykanka , Barakat ayaa sannadkii labaad dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah ka baranayay jaamacadda UNC halka xaaskiisa Yusor  iyaduna markaas uun ku biirtay iyadoo dhakhtarnimo dhanka ilkaha ah billawday.

Gabadha kale ee weerarka laguy dilay oo la dhalatay xaaska Barakat  ayaa iyaduna xiliga la dilayay naqshadaynta ka baranaysay jaamacadda North Carolina State University ee dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -