Sacuudiga oo soo riday Diyaarad ay Xuutiyiin Duqeyn ku geesan rabeen

War maanta oo talaado ah kasoo baxay dowlada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka dalkaasi soo rideen diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in diyaaradan lasoo riday kooxda Xuutiyiinta shiicada doonayeen in ay duqeyn kaga geestaan magaalada Khamis Mushait ee koonfurta wadanka Sacuudiga.

Dhinaca kale kooxda Xuutiyiinta ee Yaman ka dagaalanta ayaa war ay dhankooda soo saareen maanta ku sheegay in duqeyn la beegsadeen Saldhiga diyaaradaha militariga Sacuudiga ee King Khalid oo ku yaal nawaaxiga magaalada Khamis Mushait.

Xuutiyiinta Yaman ayaa marar badan duqeymo ka fuliyay gudaha dalka Sacuudiga, waxaana kooxdan gantaalo ay ku rideen magaalooyin kuyaala Boqortooyada Sacuudiga bur buriyay ciidamada cirka dalkaasi.

Sacuudiga ayaa hogaaminaya Isbaheysiga kooxdan shiicada u badan kula dagaalamaya gudaha dalka Yaman, waxa ayna kooxdan mudooyinkii ugu dambeeyay bilaabeen weeraro ka dhan ah dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -