Xubno ka soo goostay Xarakada Al-Shabaab oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Baardheere.

Xubnahan ayaa la sheegay inay ka howlgalayeen degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka.

Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Mustaf Ibraahim Isaaq oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Sirdoonka & Maxamed Xasan Madhaaley oo qaabilsanaa ilaalinta Xabsiyada Al-Shabaab ee qeybta  Gobolada Jubbooyinka.

Dhamme Cali Max’ed Xasan oo ah taliyaha Ururka  49aad  Guutada 10aad ee qeybta 43aad ee Ciidamada xoogga dalka  ayaa sheegay in howlgalladii ay maalmahan ka wadeen degaano ka tirsan Jubbooyinka ay sababeen in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay isa soo dhiibaan.

Dhalinyarada weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab ayuu ugu baaqay inay ka faa’iideystaan cafiskii uu u fidiyey ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qof kasta oo ka soo baxa kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -