Yuusuf Dabageed oo ka hor yimid Xil ka qaadistii lagu sameeyay iyo xiisad ka taagan Baladweyne

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa si deg deg ah uga hor yimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Waare ayaa xilka looga qaaday Yuusuf Dabageed oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyay Madaxweynaha, waxa uuna Madaxweynaha Hirshabelle magacaabay Gudoomiye cusub uu yeelanayo gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa qosol uga jawaabay sida uu u arko xil ka qaadistii lagu sameeyay, waxa uu sidoo kale tilmaamay in bulshada gobolka Hiiraan ay ka tashadeen Madaxweynaha Hirshabelle Waare uu ku eedeeyay in uu kasoo horjeedo horumarka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa laga dareemayaa xiisada ka dhalatay xil ka qaadista Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxa uuna Yuusuf Dabageed ka biyo diidan yahay in xilka wareejiyo sidoo kale ka baxo xarunta gobolka .

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalo lagu xalinayo xiisada ka dhax aloosan Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare, waxaa sidoo kale Yuusuf Dabageed lagu qancinayaa in si nabdoon xilka ku wareejiyo.

Khilaafka Waare iyo Dabogeed ayaa ka dhashay anshuuraha gobolka Hiiraan oo la sheegay in Madaxweyne Waare qoondo badan ku leeyahay loguna shubo akoon gaar ah, waxaana lacagtaasi oo loogu tala galay in wax loogu qabto gobolka u dhamaataa jeeb gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -