Xil ka qaadis lagu sameeyay Cali Ibraahim Shaameey iyo Sababta keentay (Akhriso)

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa xilka ka qaaday Mudane Cali Ibraahim Shaameey oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda isla markaana Xubin uga mid ah Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Guddiga Isgaarsiinta Qaranka.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa lagu sheegay in aysan suurto-gel ahayn in uu meleto siyaasada Wasaaradda masuul hormuud ka ah Xisbi Siyaasadeed.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Cali Ibraahim uu horaantii bisha April 2019 uu diiwaangeliyey Xisbiga Horusocod isaga oo ka soo muuqdey Taleefashanida dalka waxa uuna ku hadlay Magaca Xisbiga Cusub ee HORUSOCOD

Masuulkan xilka laga qaaday ayaa waxa uu ka mid ahaa 2 Xubnood oo ku meteleyey Siyaasada Wasaaradda 9-ka Xubnood ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee ka kala yimid qeybaha kala duwan ee Isgaarsiinta.

Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa hore u magacaabey Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta waxa uuna ku dhisanyahay Sharciga Isgaarsiinta ee dhowaan uu ansixiyey Baarlamaanka JFS 2017, balse ma ahan Guddi dastuuri ah oo uu xubnihiisa ansixiyey baarlamaanka ama Golaha Wasiirrada, taas oo awood u siinaya wasiirka in uu wax kabedel ku sameeyn karo ugu yarraan xubnaha ku metalaya siyaasada Wasaaradda ee xubbinta ka noqonaya Guddiga.

Wareysiga Mudane Cali Ibraahim Shaameey ee uu ku meteleyey Xisbiga Horusocod

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -