Sarkaal Boolis ah oo isku daldalay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Gaashaanle ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay inuu isku dal-dalay saaka Xerada Sheelare oo ku taalla  degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Cabdi Cali Seed oo darajadiisu aheyd Gaashaanle dhexe ayaa waxaa la sheegay inuu isku dhex dilay gudaha Xerada ka did markii la helay meydkiisa oo ka laad-laada xarig uu qoorta gashaday isagoo xirnaa darajadiisa ciidan.

Shacab fara badan oo ka tirsanaa degaanka ayaa iskugu soo baxay goobta laga helay meydka sarkaalkan oo ay aad u garanayeen.

Inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee sarkaalkan uu isku daldalay haddana wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu mudooyinkan isku buuqsanaa isla markaana ay heysteen duruufo nololeed oo isaga u gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -