(Akhriso) Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay weerar lagu qaaday Sacuudiga

War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)
Muqdisho, Soomaaliya
25 June, 2020

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaatka Xuutiyiinta iyo kuwa taageera oo beegsaday goobo dad rayid ah ay degan yihiin oo ku yaalla Magaalooyinka Riyadh, Najran iyo Jazan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay la dhaceen tiro gantaallada baalistik iyo diyaaradaha iskood isku-kaxeeya oo lagu rakibay qaraxyo maalinnimadii Talaadada, 23 June, waxaase ka hortagay oo burburiyay Ciidamada Isbaheysiga ee taageera Dowladda Sharciga ah ee Yemen kahor inta aysan gaarin goobihii bartilmaameedka u ahaa, taasi oo meesha ka saartay in dad rayid ah ay wax ku noqdaan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Dowladda iyo Dadka Boqotooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya difaaca amnigooda gudaha iyo dagaalkooda ka dhanka ah aragagaxisada nooc kasta oo ay yihiin, waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda taageeraya dadaallada Qaramada Midoobey ee lagu doonayo xal horseeda nabadgelyo waara oo soo afjara dhibaatada ka taaggan Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen si ay ku jirto dhowridda ammaanka iyo danaha wadamada deriska la ah.

Soomaaliya waxa ay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo weeraradaasi bahalnimada leh ee lagu beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee biri magaydada ah, iyadoo falkaasi loo tiriyo xadgudub cad oo loola bareeray dhammaan qawaaniinta iyo cahdiyada caalamiga ah, carqaladeynayana dadaallada caalamiga ah ee lagu baadi-goobayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, caqabad weynna ku ah nabadgelyada iyo amniga gobolka.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -