Puntland oo dib u dhis ku bilowday laami halbowle ah oo daadadku burburiyeen (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray dhismaha wadada halbowlaha ah ee Garoowe ilaa Sin-ujiif ee gobolka Nugaal, wadada ayaa waxaa waxyeelo u geystey daadadka roobabkii da’ay.

Daahfurka dib u dhiska wadooyinka go’ay ayaa waxaa Kusimaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dheeray muhiimadda ay leedahay wax wadaqabsiga iyo isku duubnida shacabka iyo dowladda, waxa uu hoosta ka xariiqay inaanay dowladdu ka nasan marna tan iyo intii ay go’day wadadu, dedaalkaasina uu dhalay in maanta la bilaabo wejiga koowaad ee dhismaha wadada.

“Waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo isu xilqaantay, mahad waa leeyihiin lakiin waa waajibaad dhammanteen ina wadasaaran, waa-jibaadkaasi intii gudatay waan u mahadcelinayaa oo ay kamid yihiin shirkaddaha gaar ka looleeyahay, kuwa dowladda iyo gaadiidleyda reer Puntland waa mahadsantihiin.”

“Waxaan Kaloo farayaa xukuumadda inay il gaar ah ku eegaan cid kasta oo ka qayb qaadatay, waayo sharaf ayay mudan yihiin, in la xuso ayay mudan yihiin. Tani waa bilaw, waxaan ku dedaalay inaanay cidina nasan maaalmaha ciida, dowladda waa faran-tahay dedaal kasta oo dalka la isugu furayo, Insha Alla si deg deg ah ayay u furmidoontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka ka qayb qaatay dhismaha wadada, waxaana uu xusay in hadda dedaalkeeda lagu jiro isu furka dalka, dhawaanna la bilaabidoono dhismihii weynaa ee wadada, sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo shacabka intooda kaleba ugu baaqay inaan loo kala harin dhammaystirka wadooyinka bur-buray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -