Madaxweyne Caan ah oo Dambiil uga soo adeegtay Suuq lagu iibiyo kaluunka (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dalka Tanzania John Maguful ayaa isaga oo wata dambiil u adeeg doontay Suuq lagu iibiyo kaluunka oo kuyaala magaalada Daara Salaam ee caasimada dalka Tanzaaniya.

Dad badan ayey lama filaan ku noqotay Madaxweyne John Magufuli ku dhax arkaan Suuqa kaluunka lagu iibio isaga oo wata dambiil uu ku ridanayay kaluun uu suuqaasi ka iibsanayay.

Sababta Madaxweynaha dalka Tanzaaniya suuqa ula tagay dambiisha ayaa la sheegay in uu ugu gon lahaa in dadku ka maarmaan bacaha ayna ku adeegtaan dambiisha maadaama dalkaasi dhawaan laga mamnuucay isticmaalka bacaha.

Madaxweyne John Magufulu ayaa sheegay in dambiisha uu suuqa uga soo adeegtay uga gol lahaa inuu ku muujiyo sida aysan dadku ugu baahneyn inay bac isticmaalaan, Waxa uuna intaas ku daray in macaamiishu aysan ahayn inay ganacsatada ku cadaadiyaan inay baco ugu soo ridaan.

Dowlada Tanzaaniya ayaa mamnuucday isticmaalka bacaha , dowlada ayaana sheegtay in lagu ganaaxayo qofkii bac lagu arko lacag dhan $87 ama xarig ilaa 7 maalmood ah, halka qofkii warshadeeyo bacaha ama dalka soo galiyo, ganaaxiisu uu noqon karo $430,000 oo doolar ama xarig 2 sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -