Allbanaadir.com
NEWS

Ra’idul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Geneva (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda JFS ee magaalada Geneva ahna ergada joogtada ah ee Qaramada Midoobay.
 
Rooble ayaa xarunta safaarada uu booqday kula kulmay safiiradda Soomaaliya u fadhisa dalka Switzerland Marwo Ebyan Maxamed Saalax iyo diblomaasiyiinta safaaradda ka howlgala..
 
Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ku saabsan shaqada safaaradda ka dhageystay safiiradda ayaa ku bogaadiyay howlwadeennada safaaradda shaqada adag ee ay ku matalayaan qaranka, isagoo dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan.
 
Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan kusoo laabto magaalada Muqdisho, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Daawo Sawirro+Video) Qaabkii raisul Wasaaraha Itoobiya loogu soo dhoweeyey Asmara

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Tanzania oo seddex heshiis ku kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ka hadlay Rabshadaha Somaliland Baaqna soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---