Kumanaan Muslimiin ay Soomaali ku jirto oo Salaadii ciida ku tukaday fagaaraha Woolwich London (Sawirro)

Shacabka Muslimiinta ah iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Woolwich ee Magaalada London ayaa saaka si weyn ugu dabaaldegaya maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul Fidriga oo ku beegan maanta, iyadoo fantasiye balaaran oo arintaas ku saabsan laga dareemayo Xafadaasi

Soomaali iskugu jira rag, dumar iyo caruur, ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray Barxad wayn oo ku taal Xaafadda Woolwich ee Magaalada London si ay ugu soo tukadaan salaada ciida Iyagoo isugu Hambalyaynaya Farxadda Cidda iyo Dhamaantii Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Wadooyinka, suuqyada iyo xaafadaha ay soomalaida ka dagantahay Xaafaladda Woolwich ee London ayaa waxaa saaka lagu arkayaa caruur aad u fara badan oo qaarkood waalidiintooda ay daadihinayaan, kuwaasoo ku lebisan lebis qurxoon, iyadoo inta badan caruurta ay wataan waxyaabaha Toyska loo yaqaano ee caruurtu ay ku ciyaaraan.

- Advertisement -