Askari dil naxdin leh ka geystay Magaalada Jowhar oo xabsiga la dhigay

Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa magaalada Jowhar ku dilay maanta gabar 9 jir aheyd xili ay ka qeyb  qaadaneysay dabaaldega munaasabada Ciidul-fitriga.

Dilka naxdinta leh ee loo geystay gabadhan ayaa ka dhacay Suuq lagu iibiyo qaadka oo ku yaalla Magaalada Jowhar sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qoyska gabadhan ay magaalada Muqdisho ka yimaadeen maalmo ka hor si ay farxada ciidul fitriga ula qeybsadaan eheladooda oo ku nool magaalada Jowhar.

Lama oga illaa hadda sababta uu askarigan u dilay gabadhan yar balse wararka ayaa sheegaya in la qabtay oo haatana uu ku jiro gacanta ciidamada amaanka.

Shacabka magaalada Jowhar ayaa si weyn uga naxay dilka gabadhan yar oo maanta hadal heynta ugu badan ka noqday magaaladaas, saraakiisha booliska Jowhar-na kama hadlin weli dilkan foosha xun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -