Lacag uu watay sarkaal ka tirsan NISA oo lagu qabtay garoonka Jomo Kenyatta

Lacag gaareysa $1.7 million ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta habeenimadii Isniintii ina dhaaftay taasoo uu watay sarkaal ka tirsan sirdoonka Somalia sida uu daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Kenyan ah ayaa intaasku daray in sarkaal ka tirsan Sirdoonka dowlada Soomaaliya ee lacagtan watay uu aad ugu dhow yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana magaca sarkaalkan lagu sheegay C/llaahi Kulane.

Lacagtan oo ku kala jirtay labo boorso ayaa markeedii hore ka timid dalka Itoobiya, waxaana watay sarkaalka ka tirsan Sirdoonka Somalia oo illaa hadda aan la ogeyn halka uu u waday iyo ujeedada laga lahaa.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney heyso lacagtan, ayna arintaas ku wargelisay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia oo illaa hadda aan ka hadlin arintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -