Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Halis ku soo wajahan Boosaaso & Saraakiisha amniga Puntland oo ka digay

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa xilligan waxay ka digayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish ay gudaha u galeen Magaalada Boosaaso ee Gobalka  Bari.

Arrintan ayaa ka dambeysay  kadib markii ay kordheen duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan buuraha Gobalka Bari oo  xiligan ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha ayaa sheegaya in Al-Shabaab iyo Daacish ay suuratagal tahay inay gudaha u galaab xaafadaha magaalada Boosaaso, maadaama ay la’yihiin meel ay ku dhuuntaan, taasina waxay ku tilmaamen in ay tahay khatar soo korodhay.

Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday inay la shaqeeeyaan ciidamada booliska, isla markaana ay ka hortagaan falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Wasiir iyo saraakiil tagay deegaan shalay Al Shabaab cashar loogu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay DF kala hadashay danjirayaasha Beesha Caalamka u fadhiya Somalia?

Caydiid Ali

Obama: “Shacabka Mareykanka waa iney iska caabiyaan Trump”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---