Galmudug oo ku kala qeybsantay habraaca doorashooyinka ee dowladu soo saartay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in kulan ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug iyo guddoonkooda ay soo dhaweeyeen habraaca doorashada Dowlad goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Cali Gacal Casir ayaa ku eedeeyey Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka inay wadaan faragelin ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Galmudug, waxaana uu ka dalbaday inay joojiyaan.

Waxaa kaloo uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaanada ay dalbanayaan in cidii aan isku soo dhaweyneynin Madaxda Galmudug aysan kala fogeyn.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug garabka Dhuusamareeb Burhaan Maxamed Samatar ayaa ku gacan seyray habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada ee ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inaan lagala tashan maamulkiisa habraaca la soo saaray wuxuuna xusay in sida loo xulayo Xildhibaanada Galmudug iyo doorashada Madaxda Maamulka uu qeexayo dastuurka Maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -