Boris Johnson iyo Madaxweyne Trump oo shir labo geesood ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Dalka Faransiiska uu ka socdo shirka shirka dalalka hodanka ee G7 ayaa waxaa shir labo geesood ah ku yeeshay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Britain Boris Johnson iyo Madaxweyaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Shirka ay yeesheen Mr Johnson iyo Trump ayaa looga hadlay sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen labada dal loona xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo mid siyaasadeed ee xiligan ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trumo ayaa sheegay in dhawaan Mareykanka iyo Britain gaari doonaan hehiisyo dhinaca ganacsiga oo aad muhiim u ah , waxa uuna amaan u jeediyay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Britain Boris Johnson .

Ra’isul Wasaaraha Britain ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu si weyn uga soo horjeedo dagaalka ganacsi ee xiligan u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, waxa uuna ku baaqay in xaaladaasi la dejiyo dib u eegisna lagu sameeyo.

Boris Johnson ayaa  ku booriyay Madaxweynaha dalka Mareykanka inuu si shaac baxsan ugu furo suuqa dalkiisa alaabaha Britain sida hilibka ariga, doofaarka iyo shirkadaha maraakiibta.

Xiriirka Ganacsi ee Mareykanka iyo Britian ayaa aad u xumaa mudooyinkii lasoo dhaafay, waxaana labada masuul ee dalalkaasi kala hogaamiya ku balameen shirar kale ay ku gaari doonaan heshiisyo dhinaca ganacsiga oo aad muhiim ugu ah labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -