Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka (Daawo Sawirada)

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Qaramada Midoobey, Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe , IGAD, African Union iyo Talyaaniga.
 
 
Kulanka oo xubno ka mid ah Wakiilada ay kaga qeybgaleen hab maqal iyo muuqaal ah waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
Kulanka labada dhinac dhax maray ayaa sidoo kale looga hadlay sidii u miro dhali lahaayeen Wadahadalada madaxdan la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidii loo mabo qaadi lahaa heshiisyadii horey loogu gaaray Dhuusomareeb.
 
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana labadan Madaxweyne goboleed wadahadalo xasaasi ah la yeelan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Related posts

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Deni oo Muqdisho ka bilaabay qorshe khalqal ku abuuraya Farmaajo & Rooble oo..

Caydiid Ali

Waa Dhacdo Xanuun Badan, waxay Rajadiisu ku Xiran tahay in uu helo …(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade