Xawaaladaha Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi oo maanta xiran iyo cabsi jirta

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta ay xiran yihiin inta badan xawaaladaha Soomaaliya ee magaaladaasi kuyaala iyo sidoo kale suuqyada Sarifka ee Soomaalida ku leeyihiin Islii.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada Kenya ayaa baaritaano ku bilaabay xawaaladaha kuyaala magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii, waxa ayna arintaasi saameyn badan ku yeelatay shaqadii xawaaladaha.

Ganacsade ku sugan magaalada Nairobi ayaa noo sheegay in saakay ku adkaatay in lacag ka dirsado xawaaladaha, waxa uuna xusay in xiran yihiin Xawaaladaha sidoo kale aysan shaqo ka jirin suuqa sarifka.

Waxaa cabsi xoogan lasoo daristay Xawaaladaha kuyaala magaalada Nairobi oo ka cabsi qaba in howlgalkan saameyn ku yeesho, waxaa sidoo kale iyana cabsi lasoo darsay ganacsatada hantida badan ku leh dalka Kenya.

Wali lama oga ujeedka Kenya u baareyso xawaaladaha Soomaalida ku leeyihiin magaalada Nairobi, waxaana talaabadan loo maleenayaa in ay qeyb ka tahay cadaadiska dowlada Kenya ku bilowday dadka iyo dowlada Soomaaliya.

Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayaa hanti iyo guryo badan ku leh dalka Kenya, waxaana laga cabsi qabaa in ay saameyn dadkaasi ku yeelato siyaasada cusub ee Kenya lasoo baxday ee ku cadaadineyso dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -