Dowlada Iiraan oo mar kale Hanjabaad culus hawada loo mariyay 

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hanjabaad culus waxa uu hawada u mariyay dowlada Iiraan, waxa ayna hanjabaadan uga sii dareysaa xiisadii u dhaxeysay Mareykanka iyo Iiraan.

Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu burburinayo dowlada Iiraan haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe, waxa uuna uga digay Iiraan in colaad cusub abuurto.

“Haddii Iran ay dooneyso inay dagaalanto, waxey noqoneysaa dhamaadka Jirintaanka Iran.” ayuu ku yiri Madaxweyne Donlad Trump Fariin uu shalay soo dhigay boggiisa Twitterka .

Hanjabaadan cusub ee kasoo yeertay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xili isbuucii hore uu sheegay in dagaal uusan xal aheyn uuna doonayo inuu Iran wadahadal la galo.

Xiisada siyaasadeed ee xiligan u dhaxeysa dowladaha Iiraan iyo Mareykanka ayaa meel xun mareysa, waxaana madaxda labada dowladood fariimo hanjabaadyo u muuqda isku marinayaan Warbaahinta,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -