Wasiir Goodax oo shaaciyey inuu fashilmay Imitixaanka maanta ka bilowday Puntland

Wasiirka Waxbarashada xukuumada Somalia Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka maanta ka bilowday degaanada Maamulka Puntland uu fashilmay.

Hadalkan ayuu Wasiirku ka sheegay magaalada Jowhar oo maanta ay booqasho ku tageen isaga iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumada Somalia, si ay kulamo ula soo qaataan madaxda Hirshabelle oo soo eryey howlwadeenadii Wasaarada waxbarashada iyagoo ka careysan imitixaankii fashilmay ee dowlafu sheegtay in lagu celinayo.

“Waxaan idinka raali gelinaynaa, kana garaabeynaa imtixaankii naga fashilmay oo hal nin uu sabab u ahaa, imtixaan waa fashilmaa caalamkana wey ka dhacday dalal badan, imtixaanka Puntland maanta ka bilowday xitaa waa fashilmay” ayuu yiri Wasiirka oo aan faahfaahin ka bixin sida uu ku fashilmay imtixaanka Puntland,  isagoo dhinaca kale raali gelin siiyey maamulka hirshabelle, iskuulada iyo waalidiinta caruurtoodu saameeyey imtixaanka ku celiska ah.

Hadalka Wasiirka waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweynaha Puntland Siciid uu furay imtixaanka dugsiyada Sare ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay maanta in la jabsaday mid kamid ah maadooyinkii imtixaanka maanta la qaadayay balse si deg deg ah loo xaliyey, lana bedelay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -