Dagaalyahan ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Dagaalyahan ka tirsanaa xoogaga Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Siidow Cabdi Geedi Siidow (Mayiika) ayaa inuu ka soo baxsaday Xoogaga Al-shabaab ee degaanada Jubboyinka ka dib markii sida uu sheegay uu kala kulmay cadaadis xooggan.

“Al-shabaab waxaan ka tirsanaa muddo ka badan todoba sano, waxaan ka soo dagaalamay meelo badan sida Muqdisho, Sh/hoose, Bay, Bakool, Jubooyinka iyo meelo kale oo badan” ayuu yiri Siidow

Maxamed Xasan Bedel (Cabdi xukun) Taliyaha guutada 11aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ninkan uu xiriir la soo sameeyey inta uusan soo baxsan, ayna markii dambe u direen ciidamo ka soo kaxeeyey degaanka Baar-sanguuni oo lagu balamiyey, haatana uu joogo magaalada Muddisho.

“Waxaa uu ka mid ah Al-shabaabkii sidan xun u burburiyey qeybo ka mid ah dalka, balse maadaama madaxda dalku ay cafis u fidiyeen cid kasta oo ka soo baxda argagaxisada, haatan waxba looma heysto, maadaama uu ka mid ahaa dhalinyaradii la marin habaabiyey, waxaana loo sameyn dhaqan celin” ayuu yiri taliyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -