Qaramada Midoobay oo ka hadashay Labo Nuuc Doorasho ee soo bandhigtay Xaliimo Yarey

Guddiga Madaxa bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa shalay Xildhibaanada golaha shacabka usoo bandhigay labo nuuc doorasho oo suurto gal tahay in midood dalka ka dhacdo.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaana soo dhaweeyay labada nuuc doorasho ee soo bandhigtay Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Yarey).

”Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021.” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Q/M ee Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay Hogaamiyaasha Soomaalida in wadatashi yeeshaan si loo gaaro is faham kahor doorashada.

”Guddoomiye Xaliimo waxa ay soo bandhigtay noocyo doorasho, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay boorrinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa tallaabo yididiilo leh oo xigta.” ayaa lagu yiri Qoraalka UNSOM.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa dhaliilsan nuucyada doorasho ee soo bandhigtay Xaliimo Yarey oo ay ka muuqdaan mudo kororsi, waxa ayna siyaasiyiin hadlay qaarkood ka digeen in dowlada hada jirta mudo kororsi sameyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -