Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Somalia oo guda galay Cutubka saddexaad ee dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 22-aad Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay ku-xigeenka kowaad iyo Labaad ee Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka oo maanta ahaa sii-wadida ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoona la bilaabay Cutubka 3-aad ee dib u eegista Dastuurka oo ka hadlaya Dhulka,Hantida iyo Deegaanka Qodobka 42-aad 47-aad.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Iidow, oo faafaahin ka bixiyay furitaanka cutubka Seddexaad ee wax-ka bedelka Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in cutubka uu muhiim u yahay Dhulka, hantida iyo Degaanka ay leedahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka Saddaxaad ee dib eegista Dastuurka, ayaa waxaa looga dooday, Dhulka, Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee Dhulka, Shuruudaha Xubinnimada Guddiga, Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Deegaanka.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin oo soo xirtay Fadhiga maanta ayaa waxay sheegtay in maalinta sabtida ah ay dhameestiri doonaan ka doodista Custubka 3aad een Dastuurka Dalka.

Related posts

Hogaanka TPLF oo ka hadlay damacooda ku aadan iney galaan Addis ababa

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo faahfaahiyey tirada ajaaniibta & Soomalida lagu dilay weerarkii Kismaayo

Caydiid Ali

Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga oo Abaabul dagaal ka bilaabay Galgaduud (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---