Madaxweyne dhowaan lagu qasbay inuu xilka ka dego oo xabsi loo qalqaalinayo

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa wajihi doono dacwad ka dib markii lagu eedeeyay 16 eedeymood oo la xiriira musuqmaasuq iyo wax is daba marin.

Eedeymahan ayaa salka ku haya heshiis 2.5 bilyan oo doolar uu ku kacayay oo lagu casriyaynayay hubka dalkaasi koonfur Afrika dhammaadkii sagaashameeyadii.

Dhammaantood Zuma wuu beeniyay sidoo kale waxaa ka mid ah arrimaha loo heysto lunsasho hantiyeed iyo sharciyaynta hanti lagu kasbaday qaab sharcidarro ah.

Zuma oo 75 jir ah ayaa xilka madaxweynenimada dalkaasi iska casilay bishii Febraayo ee sanadkan kaddib markii uu cadaadis xooggan kala kulmay xisbigiisa ANC.

Ka hor inta uusan xilka ka degin waxa uu markii sagaalaad wajahayay cod kalsooni darro ah oo baarlamaanka dalkaasi uu qorsheynayay inuu u qaado.

Dacwad oogaha guud ee dalkaasi Shaun Abraham ayaa sheegaya in uu rumeysan yahay in ay muuqdaan sababo macquul ah oo uu kiiskan uga guuleysan karo Zuma.

Waxa uu intaasi ku daray in shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Thales ay arrinta hubka lala xiriirinayo iyaduna ay wajihi doonto dacwad, iyadoo Shirkaddan ay ka gaabsatay in ay ka hadasho eedeymahani loo soo jeediyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -