Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo kulamo iska soo horjeeda ku leh Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya oo labo qeybood ah.

Xildhibaano taageersan Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu kulan balaaran uga socdaa xarunta Villa Hargeysa oo ku taalla madaxtooyada Somalia, waxaana halkaas qado sharaf ugu sameeyey Guddoomiye Jawaari.

Dhinaca kale, Xildhibaanadii Mooshinka ka geeyey Gudoomiye Jawaari oo boqol ka badan iyo qaar kale oo gadaal uga biiray ayaa iyana waxay kulan ku leeyihiin mid ka mid ah hotelada Muqdisho.

Wararka ay heleyso Allbanaadir.com ayaa sheegaya in xildhibaanada ku kulansan Villa Hargeysa ay xusul duub ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen guddoomiye Jawaari oo laga keenay mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa iyana ka shiraya qaabka ugu habnoon ee ay ku socodsiin lahaayeen mooshinkooda oo uu laalay guddiga joogtada ah ee Baarlamanka markii la sheegay iney ka laabteen qaar ka mid ah xubnihii saxiixay inkastoo ay xildhibaanadan ay ku doodayaan in arintaas ay aheyd hagardaamo, aysana jirin xildhibaano ka laabtay Mooshinka ay geeyeen.

Labada dhinac ayaa u muuqda iney wadaan dhoolatus siyaasadeed oo ay ku muujinayaan tiradooda iyo cududa ay leeyihiin, waxaana dhinac walba uu dedaal ugu jiraa sidii uu uga guuleysan lahaa dhinac kale.

Lama oga waxaa ka soo bixi doona kulamadan iska soo horjeeda ee magaalada Muqdisho uga socda xildhibaanada wada mooshinka Jawaari iyo kuwa isaga taageersan, balse labada dhinac ayaa u yeertay warbaahinta, waxaana la dhowrayaa saacadaha soo socda waxyaabaha ka soo baxa kulamadooda.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka laga geeyey gudoomiye Jawaari ayaa sababtay in gudoonka baarlamanka Somalia iyo xildhibaanada golaha ay u kala jabaan labo garab oo kala taageersan dhinacyada is haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -