Puntland oo ka hor timid dalabkii Farmaajo, War cusubna ka soo saartay xubnaha xiran

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid dalabkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la sii daayo xubnaha xiran ee ka tirsan guddiga dhismaha wadada Boosaaso, waxaana taas bedelkeed Maamulku uu caawa sheegay iney Maxkamad soo taagayaan xubnaha xiran

Xubnahan ayaa loo heystaa kaalmo dhaqaale oo ay ka heleen dowlada Somalia taasoo loogu talo galay dhismaha wadada Boosaaso

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Max’uud Xasan Ow Cusmaan ayaa sheegay in xubnaha la xirxiray loo heysto inay ku xadgudbeen Sharciga, isla markaana la soo taagayo maxkamad.

“Dadka xiran waa muwaadiiin la soo eedeeyey, baaritaan baala marinaya ka dibna maxkamad baa la geynayaa wixii uu sharcigu qabo ayey helayaan sii deyntooda iyo xukunkooda maxkamada ayaa go’aan ka gaari doonta” ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Waxaa uu sheegay ineysan jirin cid sharciga ka sareysa isla markaana qofka la soo eedeeyo aysan jirin cid sii deyn karta madaxweyne Farnaajo ama madaxweyne Deni midkuu doonaba ha ahaadee, waxaa sii deyn kara oo kaliya ayuu yiri maxkamad marka ay ku qanacdo ineysan dembi laheyn.

Hadalkan ayaa ku soo aaday xili Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni isagoo ka codsaday inuu shuruud sii daayo xubnaha la xiray, maadaama aysan jirin wax dembi ah oo ay galeen.

Puntland ayaa ka carootay dhaqaalo gaaraya $150, 000 oo dowlada Somalia ugu deeqday guddiga dhismaha wadada Boosaaso, iyadoo dooneyso in dhaqaale kasta oo dowladu ku deeqeyso la soo mariyo maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -