Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish-ta Somalia oo cirka laga duqeeyey

Dayuurado dagaal ayaa la soo sheegayaa iney duqeymo ka fuliyeen buuraleyda loo yaqaano Cal-miskaad oo ka tirsan gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta la lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, waxaana meelaha la duqeeyey ka mid ah buuraha Isha-gaaca iyo Moqor oo qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta ka dhacday gobalka Bari, mana jiraan warar madax banaan oo laga helayo deqeyntan oo ku soo beegantay xili ciidamada PSF-ta Puntland ay howlgalo ka wadaan meelo aan wax badan ka fogeyn goobaha la duqeeyey.

Dhawaan ayay aheyd markii dayuurado dagaal oo ciidamada Maraykanku leeyihiin ay duqeymo ka fuliyeen gobolka Bari, isla markaana halkaasi lagu dilay Hogaamiye ku-xigeenkii kooxda Daacish ee gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wasiir Axmed Xasan oo Kulan miro dhal ah la qaatay Sasirit Tangulrat

Cabdi Cade

Dagaal dhiig badan ku daatay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xamse Barre oo amar cusub soo saaray ka dib kulan uu la qaatay laamaha amniga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---