Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya oo ku dhintay Qaraxii Muqdisho

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay koontarool ciidanka Nabad sugida ku lahaayeen agagaarka Xabsigii hore ee Godka Jilacow.

Qaraxan dadka ku dhintay waxaa kamid ah Xuseen Ceelaabe Faahiye oo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya kasoo noqday dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Marxuun Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa xilal kala duwan dalka kasoo qabtay, waxa uuna la taliye sare ka ahaa Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya, waxa uuna mudooyinkii dambe kunool magaalada Muqdisho.

Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha dad badan ay ku jiraan masuuliyiin, saraakiil , ciidan iyo waliba dad shacab ah, waxaana masuuliyada qaraxan sheegatay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -