Sadex kamid ah Madaxda maamulada dalka oo Garawe lagu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyay Sadex kamid ah madaxda maamul goboleedyada ee dalka ka jira, kuwaa oo ka qeyb galaya shir beri ka furmaya magaaladaasi.

Madaxdweynaha maamulka Puntland iyo masuuliyiin kale oo maamulkaasi katirsan ayaa siyaabo kala duwan garoonka Diyaaradaha magaalada Garawe ugu soo dhaweeyay Madaxda maamulada ee Garawe soo gaaray.

Madaxda maamul goboleedyada ee gaartay Garawe ayaa kala ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed , Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Waxaa beri la filayaa in magaalada Garawe isna gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Maxameed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana magaaladaasi uga sii horeeya oo galabta gaaray Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Magaalada Garawe ayaa beri lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowlada, shirkan ayaana diirada lagu saari doonaa arimo badan oo xasaasi ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -