Allbanaadir.com
NEWS

Xabsi cusub iyo xarumo kale oo dhismihiisu ka socdo Duleedka Muqdisho (Daawo Sawirro)

Magaalada Muqdisho duleedkeeda waxaa ka socda dhismaha Xabsi cusub oo si casri ah loo dhisayo iyo xarumo kale a ku shaqeeyaan Ha’adaha Garsoorka dalka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa, Guddomiyeyaasha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale ayaa maanta booqday halka uu marayo dhismaha Mashruuca weyn ee ka kooban Xabsi cusub iyo xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka.

Taliyaha, ayaa xog weystay Injineerada dhismaha Mashuurcaan fulineysa, waxaana uu kala hadlay siddii ay u dar dar gelin lahaayeen dhismaha Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha oo hadda heer gabo gabo ah maraya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Madaxda kale ee la socotay ayaa qeyb qeyb u tagay dhammaan dhismaha uu ku fadhiyo mashruucaan oo ay maal galinayaan Beesha Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo wareegto ku Magacaabay la taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Somalia oo loogu deeqay lacag dhan $40 milyan iyo Xog ku aadan sida loo maareynayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---