Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo xarunta Xalane kula kulmay Amb Donald Yamamoto (Daawo Sawirada)

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Sida aan Wararka ku heleyno Sheekh Shariif iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa kawada hadlay arimo badan ay kamid yihiin Xaalada siyaasadeed ee dalka, amaanka iyo sidoo kale doorashooyinka.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale kala hadlay safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya hamiga xisbigiisa Himilo Qaran ee ku aadan in talada dalka mar kale la wareegeen marka la gaaro doorashada 2021-ka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan magaalada Muqdisho kusoo laabtay ayaa wada shirar iyo abaabul siyaasadeed, waxa uuna siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxda dowlada ,Danjirayaal iyo siyaasiyiin caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax lagu weeraray Markab ku sugnaa deked ku taalla xeebaha Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in weerarkii Kuliyadda loo xiray 14 Sargaal

Cabdi Cade

Daawo:- War-Murtiyeed xasaasi ah oo ka soo baxay shirweynihii beesha Mudullood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---