Gaari qaraxyo lagu diyaarinayey oo qarxay iyo Khasaare nafeed oo ka dhashay

Qarax weyn ayaa la soo sheegayaa inuu caawa maqribkii ka dhacay degaan u dhexeeya tuulooyinka Miliqo iyo Dabagalo oo qiyaastii 55-km u jira degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasoo ay gacanta ku hayaan kooxda al-shabaab.

Dad ku sugan tuulooyinkan ayaa sheegay iney maqleen dhawaqa qarax aad u weyn, ayna xigtay uuro madow oo cirka isku shareertay.

Inkastoo ay adag tahay in warar sugan laga helo waxaa uu ahaa qaraxaas ayaa haddana warar isa soo taraya waxay sheegayaan inuu ka dhashay gaari ay waxyaabaha qarxa ku diyaarinayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxaas ay ku dhinteen raggii ku howlanaa diyaarintiisa oo tiradooda saxda ah aan la ogeyn, waxaana goobta uu ka dhacay xiray xoogaga Al-shabaab ee degaanadaas maamula.

Ma cadda halka loo waday gaarigan qarxay xili waxyaabaha qarxa lagu diyaarinayey, wuxuuna ku soo aadayaa xili dhowr habeen ka hor uu magaalada Gaalkacyo ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo shacab u badan iyo dhaawaca 40 kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -