Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faahfaahin laga bixiyey duqeyn ka dhacday degaano ka tirsan Puntland

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeyn ka dhacday gobolka Bari oo ay sheegeen in lagu laayay xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa Ceel ku yaalla degaan hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada amniga Puntland ayaa sheegay in duqeynta oo dhacday Jimcihii shalay ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn kuwaasoo kaashanayay ilo dhinaca sirdoonka ah.

“Xubno ka tirsan Daacish aadna looga yaqaanay degaanka ayaa ku geeriyoodeen duqeyntaas” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaarada amniga Puntland oo aan faahfaahin ka bixinin magacyada iyo tirada Daacish ee weerarka lagu dilay.

Duqeynta ayaa dhacday xili xubnaha Daacish ee la beegsaday ay Biyo ka dhaansanayeen Ceel ku yaalla inta u dhaxeysa degaanada Cameyra iyo Timirshe sida uu sheegay afhayeenku.

Hoggaamiye ku-xigeenkii ururka Daacish qeybtiisa Soomaaliya ayaa labo todobaad ka hor lagu dilay duqeyn dayuuradaha Maraykanku ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Bari.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyihii gobolka Togdheer oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Xamse Barre oo kulamo kula yeeshay New York madax ka tirsan caalamka (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde oo noqday halyeey gacanta ku dhigay arin halis ah !!

admin
Taboola Ads ---