Xamse Barre oo kulamo kula yeeshay New York madax ka tirsan caalamka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan magalada New York ayaa kulan kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani.

Waxat ay isla soo qaadeen iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada dhinac iyo sidii ay wadajir uga wada shaqeyn lahaayeen xal u helidda dhibaatooyinka soo wajahaya dalalka qaaradda Afrika ee ay ugu horreyso saameynta isbeddelka cimilada.

Comoros waa dal jasiirado badan ka kooban oo ku yaalla badweynta India.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galaya kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York, oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.

- Advertisement -