Qarax kale oo ka dhacay Sri-lanka & tacshiirad la isweydaarsaday (Daawo Sawirro)

Ciidamada amaanka dowlada Sri Lanka ayaa waxay rasaas iswaydaarsadeen koox hubaysan oo ku sugan bariga dalkaas xilli ciidammadu ay wadeen howlgalo baaritaano ah.

Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sheegay in qarax uu sidoo kale dhacay xilli boolisku uu howlgal ka fulinayay magaalada Ampara Sainthamaruthu, inkastoo aan la sheegin khasaare ka dhashay.

Booliska ayaa isna sheegay in la soo qabtay walxa qarxa iyo tuute ay leeyihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee daacish oo sheegtay weeraradii Axadii ka dhacay dalkaas.

Qaraxyo la soo abaabulay oo Axaddii lagu weeraray saddex hotel iyo saddex kaniisadood ayaa waxay galaafteen nolosha ugu yaraan 250 qof, waxaana shalay aad loo adkeeyey amaanka masaajidada xiligii salaada Jimcaha, inkastoo muslimiinta tirada yar ee dalkaas aysanba tegin masaajida sababo la xiriira baqdin ay ka qabaan weeraro aargoosi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -