IGAD oo war ka soo saartay dagaalka u dhexeeya dowladaha Itoobiya & Sudan

IGAD ayaa walaac ka muujisay xiisada kasoo cusboonaatay Dowladaha Suudaan iyo Itoobiya ka dib dagaalo ciidamada labada dal ku dhexmaray xadka

War-saxaafadeed kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay labada dal inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficillada sii kordhin kara xiisadda iyo inay si firfircoon u raadiyaan habab diblumaasiyadeed si xal waara looga gaaro arrinta ay isku hayaan.

Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD oo War-saxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay labada dal ee Itoobiya iyo Suudaan ay aasaaseen urur goboleedka IGAD, urur-ganacsiyeedka iyo ammaanka Bariga Afrika oo ka kooban siddeed waddan oo la aasaasay 1986kii.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale ugu baaqay Itoobiya iyo Suudaan inay is xakameeyaan oo ay bilaabaan wadahadal ku saabsan muranka soohdinta.

Itoobiya iyo Suudaan ayaa midba midka kale ku eedeynaya daandaansi dagaal oo ka dhashay dhacdo dad lagu dilay todobaadkii hore degaanka Al-fashaga oo labada dal ay wada sheegtaan.

- Advertisement -