Siyaasiyiin Mucaarad ah iyo Xildhibaano shir uga furmay Nairobi (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka furmay shir ay leeyihiin Siyaasiyiin Mucaarad ah, Xildhibaano ,qaar kamid ah Hogaamiyaasha xisbiyada iyo masuuliyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay.

Shirkan ayaa ka socda Hotelka Pan Afrika ee magaalada Nairobi, waxaana shirka uu yahay mid wadatashi ah ay yeelanayaan Xildhibaanada , Siyaasiyiinta iyo sidoo kale qaar kamid ah hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradka.

Xubnaha ka qeyb galaya shirka magaalada Nairobi ka furmay waxaa kamid ahĀ Ā Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiiro horey uga tirsanaa Xukuumada Kheyre,Ā Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyo xubno kale.

Shirkan maanta Nairobi uga furmay siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili magaalada Nairobi joogaan qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo iyagana shirar gaar ah la leh WakiiladaĀ  Beesha Ā Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -