Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo maanta Khudbad ka jeedinaya Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah u furo kalfadhiga sadaxaad ee Labada Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa mudo labo bilood ka badan ku jiray fasax, waxaana maanta Muqdisho lagu qabanayaa Munaasabad balaaran oo lagu furayo kalfdahiga labada Aqal.

Munaasabada furitaanka lafdhiga 3-aad ee labada Aqal ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Wakiilo ka socda Caalamka, Gudomiyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada iyo marti sharaf kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in munaasabada furitaanka khudbad ka jeediyo, waxaana dad badan sugayaan in Madaxweynaha ka hadlo Heshiiska Muranka dhaliyay ee lagu wareejiyay Dekadda Berbera.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay ,waxaana la xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho si looga hortago falal amaanka lidi ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah Soomaalida Maraykanku saarayo xanibaada oo Magacyadooda la helay

Caydiid Ali

RW Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo safar dhulka ah ku tagay Caabudwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---