(Sawirro) Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi uu horkacayo Dr. Johane Carlson

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dalka Sweden oo uu hoggaaminayey Wakiilka Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden oo maalmahan boqasho ku joogay dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixin ku saabsan wadashaqeynta caafimaad ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa waxa uu ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee dalka Sweden.

Khubara ka socotay Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden ayaa booqday goob loo asteeyay in loo dhagax dhigo Machadka Caafimadka Qaran ee Soomaaliya, iyagoo shirar kala duwan la qaatay khubarada Wasaaradda Caafiamadka Soomaaliyeed oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -