Midowga Afrika oo go’aan adag ka qaatay Milateriga la wareegay awooda dalka Sudan

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa 15 maalmood u qabtay hoggaamiyeyaasha Milatariga Sudan inay xilka ku wareejiyaan xukuumad rayid ah

Haddii ay fulin waayaan waxay la kulmi doonaan ciqaab adag oo ay ka mid tahay in xubinimada ururka laga laabto

“Xukuumad ku meelgaar ah oo milatarigu hoggaaminayo waxay si buuxda uga soo horjeedsan doontaa wixii ay baadigoobayeen dadka Suudaan” ayaa lagu yiri war saxaafdeed uu soo saaray Midowga Afrika ka dib kulan uu ku yeeshay xaruntiisa dhexe ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa dalbaday in guddiga milatarigu uu awoodda iska dhiibo, kuna warreejiyo xukuumad rayid ah” iyadoo aysan arrintaasi la dhaafayn 15 maalmood, haddii kalana Suudaan laga mamnuuci doono ka qaybqaadashada dhammaan arrimaha Midawga Afrika.

Guddigaasi wuxuu intaas ku daray in xubin kala noqoshadaasi ay sii jiro doonto tan iyo inta dastuurkii dalka Suudaan dib looga soo celinayo.

Golaha Milateriga ee xukunka ka tuuray Madaxweyne Al-Bashiir ayaan illaa hadda ka jawaabin dalabka Midowga Afrika, waxayna arintani dhabarjab ku tahay go’aanka ay horey ugu sheegeen iney labo sano ka dib xukunka ku wareejin doonaan xukuumad rayid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -