Shacabka Sudan oo dibed-baxyada sii wada (Ma aqbalayno Kud ka guur oo Kanjo u guur)

Dibad-baxayaal kumanaan gaaraya ayaa wacad ku maray inay sii joogi doonaan waddooyinka caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, iyagoo ku gacan seyray bandow uu soo rogay golaha cusub ee milatariga ee shalay xukunka dalkaasi la wareegay.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer soo xukumayay dalkaasi ayaa shalay oo Khamiis ahayd la inqilaabay, kadibna xabsiga la dhigay.

Balse dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in golahani cusub ee milatarigu uu qayb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashiir aysana aqbaleyn kud ka guur oo kanjo u guur, waxayna sheegeen iney sii wadayaan dibed baxyada.

Ismaandhaafkan cusub ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo rabshado iyo isku dhacyo dhexmara dadka dibad-baxyada dhigaya iyo ciidanka milatariga ee talada la wareegay.

Waxaa sidoo kale jira khatar dhab ah oo ah in qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka ay iyaga dhexdooda dagaalamaan, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ku baaqeen in xaaladda la dejiyo.

Dabaaldegyadii ka dhashay xarrigga madaxweyne Al-Bashiir ayaa markiiba isu badalay caro ka dib markii dadka dibadbaxyada dhigaya ay ku baaqeen in ay hor fariistaan xarunta milatariga dalkaasi.

“Maamulkani cusub waxa uu la mid yahay kii hore,” ayuu yiri Sara Cabdeljaliil oo ka tirsan ururka Xirfadlayaasha reer Suudaan. “Sidaa daraadeed waxa aan ubaahanahay ayaa ah inaan si nabad ah u sii wadno dagaalka iyo kacdoonka.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -