Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka Asluubta Somalia & dhigiisa dalka Kenya oo kulmay (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ku sugan Magaaladda Nairobi, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Kenya Isaya Osug, waxayna kawada hadleyn arrimo dhowr ah.

Qodobadii ugu muhiimsanaa Labada Taliye ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah siddii ay u sameyn lahaayeen iskaashi isuna dhaafsan lahaayeen khibradaha iyo aqoonta Maamulka Xabsiyada, dhaqancelinta iyo tababarada guud ahaan.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu qabtay Akadheemiyada Ciidanka Asluubta Dowladda Kenya oo ku taalla Counting Kiambu.

Xafladda waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, waxaana tababar loogu soo xiray in ka badan 3000 (saddex kun) oo askari, Ciidamadaan cusub ayaana kusoo biiray Ciidanka Asluubta Kenya, waxayna  isugu jireen Dumar iyo Rag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cirro oo magacaabistii ugu horreysay maanta sameeyay

Cabdi Cade

Xuska Munaasabada Maalinta 15-ka May oo caawa lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Muqdisho ka wada kulamo Siyaasadeed oo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---