Madaxweyne Deni oo Muqdisho ka wada kulamo Siyaasadeed oo xasaasi ah

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa Xamar ka wada kulamo siyaasadeed oo uu taageero ugu doonayo dhamaystirka doorashada qof iyo cod ah oo uu doonayo inuu ka qabto Puntland isagoo la kulmay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo madax-dhaqameed kala duwan.

Deni ayaa shalay kulan la qaatay Isimada kala ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad oo dhamaantood ku sugan magaalada Muqdisho.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka mid ah odayaasha dhaqanka Puntland ee sida weyn uga horjeeda qaabka uu wax u maamulo Deni.

Kulan kale oo xalay dhacay ayuu Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni kula kulmay qaar ka mid ah xildhibaannada Puntland ku metela dowlada Somalia.

Sidoo kale Deni ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay qaar kamid ah 8-dii xildhibaan ee laga saaray Baarlamanka Puntland 3-dii Dec. 2020 kadib mooshinkii uu abaabulay Madaxweynaha.

Kulanka Madaxweynaha iyo xildhibaannadii la eryay waxaa qaban-qaabiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed sida ay wararku sheegayaan.

Dhoobo Daareed ayaa xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland laga qaaday 7dii November 2019 waxaana gebi ahaanba Baarlamanka laga saaray 10 December 2019 kadib mooshin uu gadaal ka riixayay Madaxweynaha inkastoo markii dambe ay iscafiyeen.

Deni ayaa ku adkeysanaya qorshihiisa ku aadan inuu Puntland ka qabto doorasho qof iyo cod ah, hase ahaatee siyaasiyiin iyo waxgarad saameyn ku leh Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshihiisa, iyagoo aaminsan in mudada yar ee u hartay Deni aysan suuragal aheyn in doorasho dadweyne la qabto, waxayna tuhunsan yihiin in Deni uu arrintan ku hoos wado muddo kororsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -