Doorasho si weyn loo wada sugayo oo maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb

Maanta oo Jimce ah waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ay ka dhacdo doorashada gudoonka Baarlamanka dowlad Goboleedka Galmudug oo si weyn loo wada sugayo.

Doorashada waxaa u taagan todoba Musharax, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal oo musharaxa ugu cad-cad, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa waxaa u tartamaya labo musharax oo kala ah Saadaq Sheekh Yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed, halka ku-xigeenka labaad ay  ay isku soo taageen labada musharax ee kala ah Axmed Maxamed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali oo ah haweeneyda kaliya ee ka dhex muuqata hardanka loogu jiro qabashada xilalka gudoonka Baarlamanka Galmudug

Doorashada maanta ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Dhuusamareeb iyo dalka intiisa kale iyadoo ciidamada dowlada ay si weyn u xoojiyeen Amniga guud ee Magaaladaas.

Kulamo kala duwan iyo olole musharixiinta guddoonka Baarlamaanka ay codadka ku weydiisanayeen xildhibaanada Galmudug ayaa illaa xalay ka socday magaalada Dhuusamareeb oo sida wararku nagu soo gaarayaan aan laga seexan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -