Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda sare oo go’aan ka gaartay kiis loo heestay Mursal Abuukar

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiiska dable xoogga Mursal Abuukar Maxamed oo lagu eedeeyey inuu dhaawacay dhibane Mascuud Axmed Xasan taariikhdu markii ay aheyd sodonka bishii August ee 2023, kaasi oo u naafoobay dhaawicii gaaray.

Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa racfaan ka qaatay xukun ay horey u riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada QS Dable Xoogga Mursal Abuukar Maxamed, kaasi oo eedeysanaha xoriyadiisa ay dib ugu siisay, kadib markii lagu waayey eedihii xafiiska xeer ilaalinta.

Maxkamadda sare ee Ccidamadda qalabka sida ee Soomaaliya oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan loo heestay Mursal Abuukar.

Dable Mursal Abuukar Maxamed ayey maxakamadda sare ee ciidamada Qalabka sida  amartay in si deg deg ah xabsiga looga sii daayo kaddib markii ay maxkamadu ku weysay dhammaan eedihii loo heystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray Garoonka K/Cagta Muqdisho Istadium

Caydiid Ali

(Sawirro) Rooble oo la kulmay Safiirrada 15-ka dal ee Golaha Amniga Midowga Afrika

Caydiid Ali

Wasiir hub & Maleeshiyo ku urursanaya duleedka Muqdisho iyo Madoobe & Deni oo..

Caydiid Ali