Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo Kumaandos lagu soo tababaray Turkiga oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho (Sawirro)

Ciidamo Kumaandos Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo tiradoodu ku dhowdahay 300 askari ayaa waxay soo dhammeysteen tababar muddo badan uga socday dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Milateriga iyo saraakiil sare.

Wasiirka Gaashaandhiga oo hadal kooban u jeediyey ciidamadan ayaa sheegay iney sugeyso waajibaad culus oo ah sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen sugida amniga dalka, wuxuuna u mahad celiyey dowlada Turkiga oo ciidankan siisay tababar casri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad safaf ugu jiray doorashooyin oo isqaadsiiyey cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

(Aqriso) :-Sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha oo dhameestiran !!

admin

Antonio Guterres oo loo sheegay War uu aad uga naxay kuna baaqay baaritaan deg deg ah

Cabdi Cade