Imaaraatka oo Faragalin ku haya Siyaasada Mareykanka iyo Xogo qarsoon oo la helay

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay in faragalin hoose ku sameeneyso siyaasada dowlada Mareykanka, sida laga ogaaday emailo qarsoodi ah oo Warbaahinta qaarkood loo soo dusiyay.

Xogaha qarsoodiga ah ee la helay ayaa muujinaya isku day dowladda Imaaraatka Carabta ay ku doonaysay in ay ku faragaliso arrimaha Maraykanka, gaar ahaan Wasiirada ay uga shakisan tahay in ay u dabacsan yihiin dowlada Qadar.

Emelada la helay ayaa mid kamid ah muujinaya dowlada Imaaraatka oo Madaxweyne Donald Trump ku cadaadineysa in uu xilka ka qaado wasiirka arrimaha dibedda Rex Tillerson.

Dowlada Imaaraatka ayaa aaminsan Rex Tillerson uu u dabacsan yahay dowlada Qadar oo ay siyaasad ahaan is hayaan Imaaraatka Carabta, waxa ayna dadaal u galeen sidii Wasiirkan shaqada looga eryi lahaa.

Elliot Broidy, oo ah nin saaxiin dhaw la ah dowlada Imaaraatka qandaraasyo badana ka heesta ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, waxa uuna ka codsaday Madaxweynaha in shaqada ka eryo Wasiirka Arimaha dibadda.

Afhayeen u hadlay Elliot Broidy ayaa ku eedeeyay dowlada Qadar in ay ka dambeysay Email-da laga jabsaday , hasa ahaatee dowlada Qadar ayaa iska fogeysay in wax lug ah ku laheyd arintan.

Sida emailada la heley ku cad, Broidy waxa uu u ololeeyay in Maraykanka uu si buuxda u taageero Imaaraatka , isaga oo xitaa Trump balan uga qabtay in uu la kulmo dhaxal sugaha Imaaraatka Maxamed Bin Sayid Al Nahyaan, balantaas oo uu Trump ogolaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Mareykanka Rex Tillerson, ayaa horey u cambaareeyay godoomintii dowladaha Khaliijka qaarkood kusoo rogeen dalka Qadar, waxa uuna uu ku baaqayay in xaalada si hoose loo xaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -