Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye cusub oo goor dhow loo magaacabay Bankiga dhexe ee Somalia

Dowlada Soomaaliya ayaa goor dhow guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo muddo sanad ah guddoomiye loo raadineyay.

Wararka ayaa sheegay in Golaha wasiirada Somalia ay nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi u magacaabeen inuu noqdo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kasoo ku soo baxay xulis uu sameeyay guddi loo xil saaray arrintan.

Guddoomiyaha cusub C/raxmaan Maxamed ayaa la sheegay inuu ahaa la-taliyaha dhinaca dhaqaalaha ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo saaxiib dhow ay muddo ahaayeen, waana nin ka soo jeeda degaanada Somaliland.

Magacaabidan ayaa meesha ka saartay hadal heyn badan oo ku saabsaneyd in guddoomiyaha bankiga dhexe loo magacaabi doono nin ajnabi ah, markii baarlamanku ansixiyey sharci arintaas ogolaanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhulgariir laga dareemay magaalo xeebeedka Mombasa

Cabdi Cade

RW Xamsa oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha amniga ka dib weeraradii Baladwayne (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo shir xasaasi ah isugu yeeray xisbiyada Siyaasadda Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---